Open/Close Menu Abubakar As-Saddique Islamic Center

Asalamu Calaykum Waraxmah

Ilaahay ayaa mahad dhamaanteed u sugnaatay, Nabadgalyo iyo naxariisna Nabigiisa korkiisa ha ahaato.

Markaska Abubakar Maamulkiisa iyo Jamaacadiisa waxay tahniyad soo dhawayn Bisha Rammadaan ee barakaysan u dirayaan dhamaan ummada Islaamka, gaar ahaana ummada Soomaaliyeed. Si khaasa Maamulka Abuubakar wuxuu  bisha Rammadaan ugu hambalyeynayaa dhamaan Jamaacada Masaajidka.

Waxaa caawa ka bilowday Masaajidka Borogaraamadii loogu talagalay Rammadaanka sida Taraawiixda, iyo muxaadaradii ugu horaysay ee Rammadaanka kusaabsanayd oo uu soo jeediyey Sh. Maxamed Idris.

Waxaa illaahay mahadii ah in Sh. Maxamed Idris Axmed oo ka mid ah culimmada Soomaaliyeed marti inoo yahay Rammadaanka  sanadkan.

 Bisha Rammadaan waxaa loogu tala galay Barnaamijyo kala duwan, Sida kutub la akhriyo, Duruus Rammadaaniyah, Muxaadaraad iyo Afurinta dadka Soomaan. Waxaa ka qayb qaadan doona barnaajimtaas Sh. Maxamed Idris Ahmed, Sh. C/risaaq Xaashi iyo culimo kale. Jadwalka oo faah faahsan dib kala soco insha allaah.

 Maamulka Masaajidka wuxuu aad ugu mahad celinayaa Culimmada gaar ahaan Sh. Maxamed Idris, sidoo kale waxaan aad ugu mahad celinaynaa walaalaha Mutadawaciinta ah oo masaajidka ka shaqaynaya si masaajidka habsami loogu cibaadaysto. Jazaakumu lahu khayran.

Fadlan naga xiriir markasta abuubakar.org, Facebook, Abuubakar Mosque iyo Telaphone-ka aad salaadaha kala soconkarto markasta. 612-871-8600

Maamulaha Masaajidka

Xasan Dhooye

Write a comment:

*

Your email address will not be published.

Follow us: