Open/Close Menu Abubakar As-Saddique Islamic Center

Inaalilaahi wa innaa ilayhi Raajicuun.

Xarunta Abubakar ayaa Tacsi khaasa u diraysa dhamaan eheladii iyo qaraabadii Sh. Axmed Xaaji C/raxmaan Ilaahay ka geeriyooday inuu samir iyo badal khayr qaba siiyo, sidaa si leeg waxaan u tacsiyeynaynaa ummada Somaaliyeed oo xidig wayn ka dhacay illaahayna waxaan u waydiinaynaa badal khayr qaba. Sheikha illaahay waxaan uga baryeynaa Janadiisa firdowsa inuu ka waraabiyo.

Masaajidka Abubakar ee Minneapolis ayaa wuxuu marti galinayaa Nadwo cilmiyeed looga hadlayo qodobo muhiim ah oo loogu magac daray “Saamayta Dhimmashada Culimadu ummada ku leedahay أثر فقد العلماء على الأمة”
Nadwada waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa qodobo oo ay ka mid yihiin;

– Taariikhdii iyo Manhajkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan
-Sheikha maxaa loo dilay
-Caalim dhimashadii waa furin aan la owdi karin
-Manhajka Dacwada Salafka
– iyo qaar kaloo badan
Nadwadaan Diiniga iyo Taariikhiga ah ayaa waxay kusoo beegmaysaa kadib markii Sheikh Axmed Muxaram 9-keedii lagu dilay Magaalada Boosaaso, waxaana kasoo qayb galaya Culimo ka kala socota Maraakista Maraykanka.

* Sh. Abdirahman Sh. Omar
* Sh. Mohamed Idris
* Sh. Ahmed Nur
* Sh. Abdullahi Ibrahim
* Sh. Abdirisaq Hashi
* Sh. Mohamed Mursal
* Sh. Abdirisaq Sancani
* Sh. Maxbuub Abdullahi
* Sh. Mohamed Shucayb
—————————————-
Faah faahin fiiri Flayer-ka



Muxaadaro Qayim ah Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman Allaha ha u naxariistee, Islaamiyiinta Maxay Leeyihiin Maxaase Lagu Leeyahay Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman

  1. January 2, 2012

    ilaahay waxaan ka baryayaa inuu janatul firdawsa geeyo sheekh dr axmed .
    cidii dilkiisa ka danbaysay ama ku faraxday ama dhiiri galisayna ilaahay inuu kashifo oo aakhiro iyo aduunba ceebeeyo .
    aamiin aamiin aamiin

  2. December 25, 2011

    a/s/c/ waxaana salaamayaa culimada utaagana ina umada baraana aqoota diinta iyo xishooka marka waxaana alle kabarayaa ina alle kuhanuusho sidaas iyo na/

  3. December 18, 2011

    asc wr wb allaha u naxariisto shekh axmed xaaji cabdi raxman dhamaaantena allaha noo naxariisto ws wr wb

  4. December 18, 2011

    a/s/c/ walaalayaal waxaana hawada idiisoomariyaa salaana aada iyo aada qiimo salaana dib walaalayaal aduunka waxaa kubatay dad aqoonta ladaalamay marka alle hanagabixiyo walaalayaal sidaas iyo na/

  5. December 14, 2011

    a/s/c/ walaalayaal dhamaana ummada iyo iimayada waqooyika amarka waxaana iisheegayaa dalaka samaseena alle ajara hanikasiiyo amiin

  6. December 10, 2011

    asalamu caleykum walalah dhaman, allah haa uu naxaristo sh.dr.ahmed

  7. December 10, 2011

    asalamu caleykum walalah dhaaman salan kadib alah haa uu naxaristo sh.dr. ahmed

Write a comment:

*

Your email address will not be published.

Follow us: