No comments yet

Sh Abdirahman Sh Omar iyo Sh Abdirisaq Hashi oo kahadlay Dilkii Sh Abdulqadir Nur Farah

Masjidka wayn ee Abubakar As-Saddique ee Minneapolis, Minneasota:-Shiikh Abdirashid Barre Muse iyo Sh Abdirahaman Sh Omar oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyey dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo maanta Salaadii Casar lagu dilay gudaha masjidka Badar xili uu ku gudo jiray Salaadii casar rakcadeedii 4aad . Sh Abdirshid Barre Musse ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaaliyeed in ay ka hortagaan kuwa laynaya culimadii dalka Soomaaliya isagoo xusay in dilka caalimku uu yahay danbi weyn oo khatar ah.

Sh Abdirshid Barre Musse ayaa sheegay in xaqa ay cadayn doonaa cidna aysan uga gaban doonin kuwa doonaya in ay aamusiyaan culimada xaqa sheegaysa, Sh Abdirahman Sh Omar ayaa si adag u sheegay in ay wadi doonaa dariiqii lagu dilay Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, iyo Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo culimadii kale ee lagu dilay dacwada iyo bayaaninta Xaqa.

Sh Abdirahman Sh Omar ayaa sheegay in wiil yar oo Jaahil ah uu ahaa kii dilay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo diinta faafinteed waxba ka Ogeen waxaan uu sheekh ku tilmaaya in lagaaray waqtigii dadka shacabka ah ay ka toosi lahaayeen hurdadooda oo ay u bareeri lahaayeen kuwa laynaya culimadooda.

Sh Abdirahman Sh Omar ayaa sheegay in Sh Cabduqaadir Nuur Faarax uu ahaa nin lagu yaqaan geesinimo xaqna aan la gaban mowqifkiisuna ahaa mid aan isbedelin, Shiikh Abdirahman Sh Omar oo ka mid ah culimada Soomaaliya ayaa ugu danbayn ugu baaqay in culimada Soomaali yeed ay xaq u sheegaan dadka Soomaaliyeed ayna ku dadaalaan faafinta diinta iyo Manhajka saxda ah ee Ahlusunaha


Qore: Mohamud Ahamed Guled (suheyb)

Post a comment