No comments yet

ka soo qaybgal kulan diimeedka taariikhiga ah

waxaa ka dhici doona Minneapolis Convention Center Taariikhdu markay tahay march 16, 2013 time 3da galabnimo ilaa 10ka fiidnimo kulan diimeed taariikhi ah oo looga hadli doono dilka iy xasuuqa ay ku hayaan ururka Al-shabaab ummada soomaaliyeed iyo raadka ama saamaynta uu keenay ku xadgudubka fahamka diintu, waxaana tusaaleyaal cad laga bixin doonaa waxa laga dhaxlay fahamka qaloocan ama xadgudubka ay Ururka Al-shabaab diinta u nisbaynayaan. ilaa intii ay ururka Al-shabaab ku dileen soomaaliya Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa ducaada , culimada, Issimada iyo ganacsatadu waxaa ay qaateen go,aan midaysan oo ah in laga hortago xadgudubka diineed ee ay Al-Shabaab ku laynayaan culimada iyo waxgaradka ku nool degaanada soomaaliya iyadoo ay socdaan shirar iyo kulamo goono gooni ah ilaa hadda.

Post a comment