Sh. Maxamed Idris Axmed oo Soo gaaray Minneapolis Maraykan si uu uga qayb galo kulan diineedkii 11-aad ee Xarunta Abubakar.
Waxaa aad looga dareemayaa magaaladda Minneapolis diyaar garowga Mu’tamarkii 11-aad Masaajidka Abubakar As-Saddique iyo Golaha Imaamyada sanad kasta soo qaban qaabin jireen. Magaca mu’tamarka sanadkan waa “Dhamaystirnaanta Manhajka Islaamka”. Dadkii ka shaqaynayey Mu’tamarka ayaa iyana aad mashquulsan qaban qaabada Mu’tamarka. Waxaa Caawa soo gaaray Magaalada Minneapolis Sh. Maxamed Idris oo ah Shiikh Soomaaliyeed oo dal iyo dibadba ummada Soomaaliyeed aad u qadariyaan.
Sidoo kale waxaa soo gaaray Magalaada Minneapolis Dr. C/risaaq Takar oo London ka yimid, Sh. Axmed Nur oo Seattle Washington ka yimid kana mid a culimmada Soomaaliyeed,. Culimmada ayaa bilaabay muxaadraad koo kooban oo salaadaha gadaashoda ay ka jeedinayaan Masaajidka. Maanta oo khamiis ah bacdal maqrib Sh. Maxamed Idris Axmed ayaa Muxaadaro ka gali doona Masaajidka Abubakar As-Saddique. Dhamaan reer Minnesota iyo nawaaxigeeda waxaa lagu wargalinayaa inay Mu’tamarka ka faa’idaystaan guud ahaan, maantana Muxaadarada Sh. Maxamed Idris is gaarsiiyaan kana faa’idaystaa insha allaah.
Ugu danbayntii waxaan idin leenahay waa lasoo gaaray xiligii aad sugayseen ee ka fara buuxsada.
Xasan Dhooye
Maamulaha Xarunta Abubakar
612-871-8600











