Abubakar: Ciidii Minneapolis oo u dhacday si wanaagasan 1432H

Print

Ilaahay ayaa Mahad iska leh Nabigiisana Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaato

Ciidul Fitr-ga sanadkan 1432H ayaa si wanaagsan kusoo gabagabowday illaahay fadligii, waxaa lagu ciiday sidii caadadda ahaan jirtay Minneapolis Convention Center oo ah meesha ugu wayn oo shirarka lagu qabsado gobolada la isku yiraahdo Midwest-ga. Waxaa la dareemayaa sanadba sanadka ka danbeeya in dadku kasoo siyaadayo, sanadkan ayaa Takbiirta horay loo bilaabay, salaadana gadaal loo dhigay Maadaama goobta lagu tukanayey uu khudbad ay kasoo qayb galayeen 10,000 uu ku lahaa Obama. Convention-ka ayaa noo kala barraa anaga iyo Madaxwaynaha Maraykanka, dhinaca bariga isagaa haystay, dhinaca waqooyigana anagaa haysanay. Muslimiintu aad ayey isugu soo baxeen, intay tiro kaqabaana waxaa is gaaray safafafka raga iyo dumarka. Muslimiinta gobolka ayaa aad u muujiyey Shacaa’irta Islaamka ee ciida una labisnaa si wanaagsan oo ay ka muuqato Islaanimo. Ciida ayaa kusoo gabagabowday si dhibyar, illaahay fadligii ka dib ayaa waxaa sahlay ciida walaalaha rag iyo dumarba leh oo aad u shaqaynayey si wanaagsana ciida u kala agaasimayey gudo iyo dibadba. Xarunta Abubakar waxay aad iyo aad ugu Mahadcelinaysaa dhamaan walaalihii sida xilkasnimmada leh uga qayb qaatay hab sami usocdka bisha barakaysan ee Rammadaan, la’aantoodna ay adkaan lahayd sidii wanaagsanayd ee loo cibaadaystay inay u dhacdo. Gaar ahaan waxaan aad ugu Mahad celinayaa Gabdhaha oo Jikada Abubakar bisha oo dhan ku diyaarinayey Afur iyo Suxuur tobanka danbe oo Suxuur iyo Afurba ay samaynayeen, waxaan leenahay illaahay janno ha idiinku badalo, Jizaakumullaahu khayran. Ciida kadib ayaa Musimiin badan aadeen goobta ugu wayn gobolka Minnesota  oo loo yaqaan Valleyfair, goobtaas ayaa Xarunta Abubakar kula heshiisay qiimo jaban inay Muslimiinta maalintaas u sameeyaan. Siwirada Ciida halkaan ka daawo Click.

Hassan Jama (Hassan Dhooye)
Executive Director
Abubakar As-Saddique Islamic (AAIC)
2824 13th Ave South
Minneapolis, MN 55407
612-871-8600 Ext:3
Fax: 612-436-0259
Email:aaic@abuubakar.org
Fallow us on Facebook: Abuubakar Mosque