Banaysiga Danbiyada waawayn wuxuu keenayaa gaalnimo-Sh. C/risaaq Xaashi

Abuubakar.org October 18, 2011 0
Banaysiga Danbiyada waawayn wuxuu keenayaa gaalnimo-Sh. C/risaaq Xaashi

Sh. C/risaaq ayaa October 7, 2011 kahadlay dunuubta hadii la xalaashado keeni kara diin ka baxa, khudbadda ayaa Sheekhu kaga hadlay dunuub badan oo hadii qofku banaysto diintiisa khatar ku keeni karta, sida; Sinada, Ribada, khamriga, beenta iyo banaysiga Dhiiga, iwm.

Sheekha ayaa aad ugu dheeraaday inay jiraan dad ayagoo sheegaya inay diin ka tahay samaynaya bayn abuur tiro badan, gaar ahaan culimmada iyo Masaajida ku been abuuranaya. Sheekha ayaa tusaale usoo qaatay inay jiraan dad caadaystay inay ku been abuurtaan masaajidkan Abuubakar, iyagoo u tiirinaya arimo masaajidku uusan samayn, ama ka dhicin. Sheekhayaa sheegay inay arintaas tahay diin la’aan sida ilaahay quraan kiisa ku sheegay. Khudbada Sheekha oo dhamaystiran dhagayso.

Khudbadii Jimcada ee October 7, 2011 (Sh. C/risaaq Xaashi) – Hoos ka dhegeyso

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Leave A Response »