Faafinta Ishaacaatka bulshadda muslimka ah dhexdeeda iyo Khatarta ay leedahay”

Abuubakar.org October 28, 2011 0
Faafinta Ishaacaatka bulshadda muslimka ah dhexdeeda iyo Khatarta ay leedahay”

Ogaysiis Muhiim ah

Ciidu waa Axada soo socota:

Masaajidka Abuubakar Wuxuu dhamaan Muslimiinta dagan Minnesota iyo aga gaarkeeda  Ogaysiinayaa in  Ciida bisha Dul-Hijja ay ku beegantahay Axad November 6, 2011 oo ah maalin axad ah. Waxaa lagu tukan doonaa Minneapolis Convention Center sidii caadada inoo ahayd. Ogaysiiska Ciida oo faah faahsan dib ayaan idiinla soo socod siindoonaa.

Faah Faahin dheeraad ah

Ciidu waa goorma: Axad November 6, 2011

Goobtee: Minneapolis Convention Center

Waqtiga Takbiirta: 7:00am

Waqtiga Salaada: 9:30

Sidii horay aan u faafinay inuu nagu soo aadan ayahay Sh. Maxamed Idris, ilaahay fadligiis Sheikha ayaa soo gaaray Minneapolis kana jeediyey khudbadii Jimcaha maanta Masjid Abuubakar. Khudabada maanta ayaa kusaabsanayd  “Faafinta Ishaacaatka bulshadda muslimka ah dhexdeeda iyo Khatarta ay leedahay” hoos ka dhagayso Khudbadii maanta iyadoo Af-Carabi iyo Af-Soomaali ah.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Maalmaha Soo socda Barnaamijta Sh. Maxamed ka bixin doono Masjid Abuubakar Fadlan hoos ka daalaco kana soo qayb gal.

 Muxaadarada Jimcaha Bacdal Maqrib  “ Tobanka Dul-Hijja (Arafo) iyo Fadligooda”

Muxaaddarada Axadda bacdal Casar Dumarka kaliya  “21 Darsi oo laga qaadanayo Suuratu An-Nuur”

Maalmaha Jimcaha – Isniinta Salaada Subax kadib “ wacdi kooban ayaa Sheikhu bixin doonaa insha allaah”

Fadlan Fasaxaaga khayr ku qaado, nagala qayb qaado camirida Masaajidka illaahay.

Date

Friday, October 28, 2011

Sunday, October 30, 2011

Time

Friday: 6:00pm

Sunday: 4:00pm


Location:

Abuubakar As-Saddique Islamic Center

2824 13th Avenue South

Minneapolis, MN 55407

 

Faah faahin intaa dheer fadlan soo wac 612-871-8600 Ex:0  ama  aaic@abuubakar.org

Leave A Response »