Ogaysiis Muhiim ah
Ciidu waa Axada soo socota:
Masaajidka Abuubakar Wuxuu dhamaan Muslimiinta dagan Minnesota iyo aga gaarkeeda Ogaysiinayaa in Ciida bisha Dul-Hijja ay ku beegantahay Axad November 6, 2011 oo ah maalin axad ah. Waxaa lagu tukan doonaa Minneapolis Convention Center sidii caadada inoo ahayd. Ogaysiiska Ciida oo faah faahsan dib ayaan idiinla soo socod siindoonaa insha allaah.
Faah Faahin dheeraad ah
Ciidu waa goorma: Axad November 6, 2011
Goobtee: Minneapolis Convention Center
Waqtiga Takbiirta: 7:00am
Waqtiga Salaada: 9:30
Ilaahay Fadligiis waxaa si wanaagsan u dhacday Muxaadaradii Sh. Maxamed Idris ee aan horay o iclaaminay ee ku saabsanayd “Fadliga Tobanka Dul- Xijjah” Muxaadarada ka dib ayaa Sh. Maxamed la waydiiyey Su’aalo baddan oo kala duwan, Sh. ayaa dadwaynaha Su’aalahooda waqti dheer siiyey aadna ugu faah faahiyey jawaabahooda. Su’aalaha ayaa ku saabsanaa dhinacyo kala duwan oo acmaasha Xajka ku saabsan. Si aad uga faa’iidaysato bisha Dul-Xijjah, gaar ahaan tobanka danbe fadlan hoos ka dhagayso Muxaaddarada sheikha.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Fadlan ka faa’iidayso qorshahana ku darso Muxaadaro khaas ah oo Sheikha Axada ujeedin doono Dumarka insha allaah. Cinwaanka Muxaaddarada “21 Darsi oo laga qaadanayo Suuratu An-Nuur”
Waqtiga: 4:00pm iyo Masjid Abubakar.
Nagala soco
Facebook: Abuubakar Mosque











