Ogaysiis Muhiim ah
Ciidu waa Axada soo socota November 6, 2011
Masaajidka Abuubakar Wuxuu dhamaan Muslimiinta dagan Minnesota iyo aga gaarkeeda Ogaysiinayaa in Ciida bisha Dul-Hijja ay ku beegantahay Axad November 6, 2011 oo ah maalin axad ah. Waxaa lagu tukan doonaa Minneapolis Convention Center sidii caadada inoo ahayd. Ogaysiiska Ciida oo faah faahsan dib ayaan idiinla soo socod siindoonaa.
Barnaamijkii ciida ee Masaajidku qaban jray insha allaah waan qabanaynaa, Caruurtana Parkin-ka Masaajidka ayaa loogu samayn doonaa meelo ay ku cayaal insha allaah.
Faah Faahin dheeraad ah
Ciidu waa goorma: Axad November 6, 2011
Goobtee: Minneapolis Convention Center
Waqtiga Takbiirta: 7:00am
Waqtiga Salaada: 9:30
———————————————————
Ilaahay Fadligiis waxaa soo gabagaboobay Muxaadaraadkii Sh. Maxamed Idris Axmed illaahay ha xifdiyee, galabta oo Axad ah ayaa Sh. Maxmed Masaajidka Abubakar muxaadaro khaas ah ugu jeediyey gabdhaha. Masaajidka ayaa gabdhaha aad usoo buuxsheen si ay Sheikha uga faa’iidaystaan. Muxaadarada kadib ayaa Sheikha la waydiiyey Su’aalo diini ah oo muhiim ah, Sheikha illaahay ha xifdiyee aad ayuu uga jawaabay intuu ka gaaray. Waxaan ka cudur daaranaynaa waqtiga oo yaraa daraadeed, inaanan Su’aalihiinii fursad looga wada jawaabo loo helin.
Muxaadarada Sheikha ayaa lagala socday qolka 114 ee iyo qolka Paltalk-ga ee At-Taqwa iyo khadad kale oo tell-phone ah. Fadlan hoos ka dhagayso Muxaadaraadii, Su’aalihii iyo Jawaabahoodii.
Qaybta koowaad ee Muxaadarada, 21 cashar oo laga qaadanayo Suuratu An-nuur
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Qaybta labaad ee Muxaadarada, 21 cashar oo laga qaadanayo Suuratu An-nuur iyo Su’aalo iyo Jawaabo
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Ilaahay hanagadhigo kuwa khayrka dhagaysta kuna dhaqma.











