Hambalyada Ciida Masjid Abuubakar, goorta iyo goobta lagu tukanayo

Abuubakar.org November 6, 2011 0
Hambalyada Ciida Masjid Abuubakar, goorta iyo goobta lagu tukanayo

Ciid Mubaarak

تقبل الله منا ومنكم صلاح الأ عمال

Xarunta Abubakar waxay Hambalyada Ciida u diraysaa Dhamaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Gobolka Minnesota iyo Jamaacada Xarunta, waxaan idin leenahay Ciid wanaagsan, illaahay hanaga aqbalo anaga iyo idinkaba acmaasha khayrka ah oo dhan. Sanadkan sanadkiisa illaahay hanagu gaarsiiyo imaan iyo alle ka cabsi. Illaahay Dhamaan muslmiinta ha kasaaro wixii dhib ah, gaar ahaana Soomaaliya. Salaada Ciida waxaa lagu tukanayaa Minneapolis Convention Center. Takbiira waxay bilaabanayasaa 7:00am Salaadana waa 9:30am  Maamulaha Masjid Abuubakar.

Masaajidka Abuubakar Wuxuu dhamaan Muslimiinta dagan Minnesota iyo aga gaarkeeda Ogaysiinayaa in Ciida bisha Dul-Hijja Barri oo ah Axad November 6, 2011 lagu tukan doono Minneapolis Convention Center sidii caadada inoo ahayd.

Barnaamijkii ciida ee Masaajidku qaban jray insha allaah waan qabanaynaa, Caruurtana Parkin-ka Masaajidka ayaa loogu samayn doonaa meelo ay ku ciyaaraan, Dadka waawayna waa bacdal Maqrib, insha allaah.

Faah Faahin dheeraad ah

Ciidu waa goorma: Axad November 6, 2011

Goobtee: Minneapolis Convention Center

Waqtiga Takbiirta: 7:00am

Waqtiga Salaada: 9:30

Cayaarta Caruurta Parking-ka Masaajidka 12:00pm-5:00pm

Barnaamijka dadka waawayn Masaajidka Bacdal Maqrib 6:00pm-8:00pm






Leave A Response »