Sidii horay loogu balamay Golaha imaamyada iyo Masaajida dacwada selefka u nasab sheegta ayaa khudbadu waxay ku saabsanayd maanta Dilkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan loogu gaystay Boosaaso iyo sida ummada Soomaaliyeed u wayday Caalim wayn oo culimadeeda ka mid ah. Sh. c/raxmaan ayaa aad uga hadlay Taariikhda Dr. Axmed iyo qiimihiisii, sidoo kale Sheikha ayaa ka hadlay dowrkii uu Dr. Axmed kasoo qaatay dacwada Soomaaliya markii uu yaraa iyo markii uu waxbarashada soo dhamaystay.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Sidoo kale Sheikh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay in aysan Culimmadu xaqa sheegidiisa marna uga waabanayn dhib loo gaysto, sidoo kale Sheikha ayaa ka hadlay is afqabasha, xariga iyo dilku waa dariiqa Daaquudyada, waana dariiq fashil ah, ayuu yiri sheikh C/raxmaan. sheikha ayaa ka hadlay arimo badan fadlan uga bogo inaad dhagaysatid khudbada.
Xarunta Abubakar ee Minneapolis ayaa waxaa maanta ka bilowday Dowro muxaadaraad ah oo loogu magac daray “Saamaynta Dhimashadu Culimadu Ummada ku leedahay” waxaa jeediyey muxaadaradii ugu horaysay oo ah Cinwaanka Nadwada Sh. Abdirahman Sh. Cumar, Sidoo kale Sh. Ahmed Nuur oo ah Imaamka Masaajidka Abuubakar ee Seatle Washington ayaa jeediyey “Isaga digida banaysiga dhiiga muslimiinta” Muxaadarooyinkaas iyo kuwa maalmaha soo socda bixi doona insha allaah waan soo galin doonaa xili aan fogay.










