Sawiradii Mutamarkii 12aad ee Minneapolis ku soo gabagaboobey

Print

Mutamarka Minneapolis oo soconayey saddex Maalmood (1-3 Sept) ayaa soo gabagaboobay…

Mutamarkii 12aad ee Minneapolis oo si habsami ah u soo gabagaboobey

Waxaa habeenimadii Axadda si wanaagsan ku soo gabagaboobey mutamarkii Minneapolis.. Hoos ka akhri warbixintii mutamarka

Waxaa Jimcadii Sept 2, 2012 magaalada Minneapolis ka bilowday Mutamarkii 12-aad oo ay si wadajir u soo qaban qaabiyeen  Xarunta Abuubakar Assidiiq Islamic Center iyo Isutagga Iimaamyada Woqooyinka Ameerika, mutamarka oo sannadkiiba mar lagu qabto farasmagaalaha Minneapolis, gaar ahaan xarunta Minneapolis Convension Center, waxa uu socdey saddex maalmood oo ah Jimce, Sabti iyo Axad (Augt 31-1-2 Sept 2012), insha Allah.

Mutamarka sannadkan waxaa muxaadarooyin iyo duruus cilmi ah ka soo jeedinayo culimo ka kala timid Engiriiska, Maka Al-mukarama iyo Gobolada Maraykanka. Waxaa kale oo khadka Video-ga lagu soo xiriirin doonaa culimo ku sugan Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin Sheikh Maxamed Umal iyo Sheikh Maxamuud Shibli.

Furitaankii Mutamarka waxaa ugu horayn taariikhda kooban ee xarunta Abuubakar Assidiiq soo jeediyey Xasan Dhooye oo soo koobay taariikhdii uu soo maray dhismaha xarunta Abuubakar Assidiiq ee Minneapolis

Sannadkii 1998 ayaa Muslimiinta deggan magaalooyinka mataanaha (Minneapolis iyo St. Paul )ay bilabeen qabanqaabada xarunta Abuubakar, muddo lix sano ah ayey qaataday in mashruucaasi hirgalo. Waxaana dhismaha hadda ee Xarunta Abuubakar la iibiyey July 29, 2005, waxaana masjidka si rasmi ah loo furay September 1, 2006.

Xarunta Abuubakar waxay mujtamaca Muslmiinta reer Minnesota u qabataa adeegyo ay ugu horayso in xarunta lagu tukado salaadaha maalin kasta iyo salaada Jimcada, waxaa ku dhex yaal dugsi, waxaa xaruntu soo qaban qaabisaa kulano sannadle ah sida Mutamarkan, barnaamijyo Ramadanka, siminaaro waxbarasho, barnaamijyo dhallinyada loogu talo galay, xafladaha nikaaxa iyo aroosyada, talo siinta qoysaska Muslimiinta, iyo xallinta khilaafadka, iyo barnaamijyo kale.

Waxa markaas hadal kooban oo furitaan iyo soo dhaweyn isugu jira soo jeediyey Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar, waxana uu ugu horayn u mahad celiyaha Allaha xaqa lagu caabudo oo suurtagal ka kadhigay in mutamarkani uu qabsoomo.

Sheikh C/raxmaan waxa muslimiinta reer Minnesota ku booriyey in saddexda maalmood ee Mutamarku socdo ay ka faa’iidaystaan cilmi sharciga ah oo anfaca aduun iyo aakhriro, halkaas oo culimada ahlu cilmiga ah ay soo diyaariyaan, oo ay waqti ku bixiyeen si ay ummadda ugaga faa’iideeyaan. Waxana uu ku xeel dheeraaday in mutamarka laga faa’iideysto. “Duruusta mutamarka ka baxaysa. Qofkastana ha gaarsiiyo ehelkiisa, kuna casumo inuu mutamarka yimaadaan.”

Sheikh C/raxmaan oo ah iimaamka Masjidka Abuubakar waxa kale oo uu ummada ku booriyey in ay qaataan dhaxalka rasuulka, oo ay wax ka qaataan cilmiga ka baxaya mutamarka, waxana  khayr farabadan ugu duceeyey ka soo qayb galayaasha mutarka.

Culimada kale ka hadlay furitaankii mutamarka waxaa ka mid ahaa Sheikh Maxamed Idiris oo sheegay in ay farxad weyn u tahay, oo Allah uu ugu mahadinayo in uu markale reer Minnesota kale sannadka 2011 uu kala soo qayb galay mutaamrka, oo ay ugu dambaysay mutamarkii sannadkii 2003.

Sh. C/xakiim Xayaafi ayaa asaguna kelmed ka sooo jeediyey furitaankii mutamarka, waxana uu muslimiinta ugu baaqay in qof kasta uu guto masuuliyadiisa oo wacdiga uu maqlo uu sii gudbiyo, gaar ahaan qof kasta oo maqla wacdiga uu sii gudbiyo, una sii gudbiyo inta aan ka soo qayb gelin.

Culimada kale oo furitaanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sh. Cabdibaari Yaxya, Sh. Cukaasha iyo C/risaaq Takar oo yiri “Waxaan Allah ka baryaayaa in uu culimadana xaqa ku sugo carrabkooda, inta dhagaysatana uu Allah qalbigooda u furo. Waa in xaqa isku kaalmaysano, in aan is farno khayrka iyo wanaagga.”

Sh. C/risaaq Xaashi ayaa isaguna yiri “Allah waxaan ka baryaynaa in uu inaga dhigo kuwo ka faa’iidaysta mutamarkan. Qofka cilmig ajeedinaya ee akhrinaya waa sida qof caanaha lisaya, qofka dhegeysanaya waa sida kan caanaha cabbaya.”

Sheikh Axmed Nuur “Allah ha inaga dhigo kuwo ka faa’iida, culimadana Allah qowlkooda iyo ficil kooda h ais waafajiyo,” ayuu ka yiri furataanka mutamarka 11aad ee Minneapolis.

Dhamaystirnaanta Manhajka Islaamka

Furitaankii Mutamarka kaddib waxaa muxaadaradiii ugu horaysay soo oo cinwaankeedu ahaa Dhamaystirnaanta Manhajka Islaamka. soo jeediyey Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar, waxana uu aad ugu xeel dheeraaday sida Islaamku u koobayo una taabanayo dhammaan waxyaabaha khuseeya mujtamaca, xagga siyaasadda, xagga dhaqaalaha, xagga caqliga, iyo dhaammaan qaybaha kala duwan ee khuseeya mujtamaca.

Shareecada Allah soo dejiyey waxay ku urursan tahay arrimo ay dani ugu jirto bini aadamka, kuwaas oo ama in laga celinayo wax aan dani ugu jirin, ama in loo soo jeediyo arrin maslaxadi ugu jirto. Shareecada waxaa kale oo loo dejiyey in la ilaaliyo caqliga qofka, ayuu yiri Sheikh C/raxmaan, isagoo ka digey daroogada oo uu kuu kamid yahay Qaadka.

Islaamku waxa uu xafiday qof kasta sharaf tiisa iyo cirdigiisa (dignity) iyo sharaka qofka, iyo nafsadda qofka, waa in aan qof lagu ceebayn ama dusha looga tuurin dembi uusan gelin, ayuu yiri asagoo raaciyey in Islaamku waxa uu mujtamaca ka joojiyaa wax kasta oo aan qofka waxba u tarayn.

Muxaadarada oo dheerayd waxa nuxurkeedu ahaa in Manhaajka Islaamku yahay mid dhammaystiran oo soo koobaya dhammaan wax kasta oo ummadu u baahan tahay.

Hooyooy (Ummii)

Kaddib waxaa muxaaadaro cinwaankeedu yahay (Hooyooy) soo jeediyey Sheikh AxmedNuur Macalim, waxana uu ku xeel dheeray liibaanta lagu helo in loo baari noqdo hooyada oo loo isxaan falo, loona naxariisto hooyada. Waxananuu is barbar dhiga qofka baariga u ah hooyadiis, iyo qofka caaqa ah ee hooyadiis caasiga ku ah, sida ay u kala duwan yihiin, iyo cawaaqibka kala duwan ee ay leeyihiin.

Sh. AxmedNuur waxa uu is barbar dhigay dhawr qiso, waxaa qisooyinkaas ka mid ahaa: Gabar ayaa si ay tijaabo ugu samaysayso wii kaddib markii uu arkay wanaageedii, oo uu wiilkii gabadhii Jeclaaday. Markaas ayaa gabadhii waxay bilowday tijaabadii ay ku ogaaneysey sida wiilkaasi u jecel yahay hooyadiis.

Gabadhii waxay wiilkii u soo dirtay hooyo kale ama qof kale si ay wiilka u soo gaarsiiso farriin ay tiri gabadhii aad jeclayd ayaan farriin kaaga sidaa taas oo ah in aysan doonayn in ay la noolaato hooyadaa ama aad hooyadaa ka tagtid oo gabadha uun raacid. Wiilkii waxa uu yiri berri ayaad jawaabta iigu imanaysaa.

Berri markii lagaaray ayuu gabadhii u sii dhiibay farriin gabay ah, oo ku saabsan in uusan haba yaraatee hooyadiis ka tagayn, oo hooyadiis uu jecel yahay. Islaantii farriinta sidey markii ay u tagtay gabadhii oo u sheegtay in wiilkii uu go’aansaday in uusan hooyadiis ka tagay ayaa gabadhii waxay tihiri “waa wiilkii aan doonayey, waayo mar haddii uu hooyadiis wanaag la jecel yahay anigana waanaagayga waa uu ilaalin doonaa, waxana uu xafidi doonaa ballanta aan wada dhiganay.” Gabadhii sidii ayey wiilkii ku aqbashay oo ay ku noqdeen qoys isku baraaray, wanaagna dhexdooda noqday.

Sheikh Axmed Nuur waxa uu muslimiinta ku booriyey in hooyada baari loo noqdo. Hooyada caawi. Hooyada ha ku oran erayo xunxun, ha dhibin, hadalka u jilci, wajiga ha u kaduudin, wax ay dhibsato ha oran, hooyadaa ka hor cuntada ha cunin, hooyadaa booqoo, hadiyad u gee, bakhayl haka noqon, hooyadaa iyo waalidkaa xaqooda sii. Xaaskaaga xaqeeda sii, carruurtaada xaqooda sii, hooyadaa xaqeeda sii. Baari u noqo waaliskaa ayuu muxaadarada ku gabagabeeyey.

Casarkii kaddib ayaa C/raxmaan Mukhtaar waxa uu ka hadlay barnaamij ku saabsan Wacyi galinta waalidiinta.

Muxaadaro cinwaankeedu yahay Ducaadda Waxa ay leeyihiin iyo waxa lagu leeyahay ayaa waxaa soo jeediyey Sh. Dr. Cabdirizaaq Takar oo ku xeel dheeraaday waxyaabaha looga baahan yahay ducaada faafinaya cilmiga islaamka. Waxana uu ka digey in qofka daaciga ah uu sameeyo tacasub uu ku tacasubo qof asagoo ka leexanaya xaqa oo ah Kitaabka oo ah halka laga qiyaas qaadanayo.

Tusaalooyin Akhlaaqda Rasuulka (S.C.W)

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Tusaalooyin Akhlaaqda Rasuulka (S.C.W) waxaa soo jeediyey Sheikh Maxamed Idiris, oo ku xeel dheeraaday sida uu Nebi Muxammed (S.C.W) uu akhlaaqdiisu ay ahayd sida quraanka. Akhlaaq aad u wanaagsan. Nebi Muxammad waxa uu ahaa kan ugu deeqsidan, uguna geesisan, wax la weydiistayna weligiis ma diidin, waxa uu ahaa kan dadka ugu dulqaad badan. Naftiisa uma aar goosan jirin, haddii asaga wax laga sheego weligiis kama goosan, ilaa Diinta lagu xadgudbo mooyee. Nebi Muxamed (SCW) waxa uu kan ugu caddaalada badan, weligiisna ma ilaawin qof abaal u galay.

Shiishadda iyo Soomaalida Minnesota

Warbixin cinwaankeedu yahay Khatarta Tubaakada iyo Shiishadda waxaa soo jeediyey Dr. Cabdiraxmaan Dacar oo sheegay in Minneapolis ay ku soo badanayaan makhaayadaha lagu cabo waxa loo yaqaan Shiishada oo ah tubaako la dhex mariyey tuubo biyo lasoo dhex mariyey (oo loo yaqaan badeecada), taas oo ay ku lamaan yihiin dhaqamo fool xun iyo waxa loo yaqaan “Mucjisada saqda dhexe” halkaas oo ay ku qamaamaynaan oo aan la kala hori karin, taas oo halis ku ah dhaqanka iyo caafimaadka. Waa in arrintaas sidii looga hor tegi lahaa guntiga dhiisha la iskaga dhigo, ayuu talo kusoo jeediyey. Dadka arrintaas ku dhaacayna waxaan u soo jeedinayaa inay ducaystaan in Allah ka soo hadeeyo.

Waxa kale oo uu ka digey in ay jiraan dhallinyaro ku andacooda in ay diyaarinayaan “Homework” aan dhammaanayn, ayagoo dhehaya in ay ku maqan yihiin diyaarinta Homework xilli dambe, taas oo ay dhici karto inay ku leexdaan goobaha lagu dhuuqo Shiishadda, arrintaas waa in laga digtoonaado oo la hubiyo meelaha ay carruurta iyo dhallinyado ku maqan yihiin saacadaha badan.

Qoyska Wanaagsan

Makhrib kaddib waxaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa Qoyska Wanaagsan soo jeediyey Sheikh Cabdullaahi Ibraahim oo ku xeel dheeraaday sida lagu gaaro qoyska wanaagsan. Ugu horayna waxa uu xusay sida qofku u dayacan yahay marka uusan qoys lahayn (Sowj iyo Sowjad).

Qosyka wanaagsan waxaa muhiim ah in uu ka bilowdo marka hore in guurku u dhaco si wanaagsan, ayadoo gabadha laga doonayo ehelkeeda, oo aan lala dhuumanayn, halkaasna gundhig fiican loo dhigo qoyska. Markaas kaddib waa in si fiican loo wada noolaado ayadoo labada is qaba (Ninka iyo xaaskiisa) uu mid kasta ilaaliyo xaqa uu kan kale ku leeyahay. Ninka ugu wanaagsana waa kan aadka u xanaaneeya xaaskiisa, asagoo aan ku mashquulin wax aan maslaxadi ugu jirin asagoo qoyskiisu dayacan yahay, ayuu hadalkiisii ku xoojiyey Sheikh C/laahi Ibraahim oo muslimiinta ku waaniyey in guriga lagu xuso Allah oo lagu akhriyo quraan.

Qoyska wanaagsan waxaa ka mid ah in ay iska kaashadaad dhismaha guriga. In ay is ixtiraamaan oo aysan had iyo jeer ku jirin is jikaarid. Waa in aysan baar-baarin xumaanta qofba kan kale. Waana in ay iska ilaaliyaan xanaaqa.

Mutamarka ayaa maalintii koowaad ku soo gabagaboobay si habsami ah. Waxaana la isugu soo laabtay maalintii labaad o oah Sabti July 2, 2011.

Booska Qoysku kaga Jiro Bulshada & Ilaalintiisa

Maalintii labaad ee Mutamarka (Axad July 2, 2011) ayaa waxaa muxaadaradii ugu horeysey oo cinwaankeedu ahaa Booska Qoysku kaga Jiro Bulshada & Ilaalintiisa soo jeediyey Sheikh Cabdirisaaq Xaaji, waxana uu ugu horayn qeexay qaab dhismeedka guud ee qoyska oo ku wada nool hal guri. Waxana uu tibaaxay in xiriirka ugu qiimah abadani uu yahay xiriirka ka dhexeeya qoyska.

Qoyska waxa uu tusaale ugu soo qaatay sida geedka oo ka kooban jirridda asaaska u ah (oo ah hooyada iyo aabaha), iyo faraaca oo ah laamaha iyo caleemaha oo ay isku tiirsan yihiin. Nin kasta oo khatar ah waxaa ka dambaysa qof dumar ah oo khatar ah, ayuu yiri Sheikh C/risaaq oo tusaale ugu soo qaadanayey heerka wanaagsan ee xiriirka qoyska, gaar ahaan ninka iyo reerkiisa.

Inxiraafka, Sababihiisa, Muuqaalladiisa iyo Daawadiisa

Kaddib waxaa khadka Video-ga lagu soo xiriiriyey Sheikh Maxamuud Shibli oo soo jeediyey muxadaro cinwaankeedu ahaa “Inxiraafka, Sababihiisa, Muuqaalladiisa iyo Daawadiisa”, oo ummadda Muslimiinta ku booriyey in ay qabsadaan kitaabka Allah. Waxana uu ka digey kala tafaraaruqa iyo kala qaybsanaanta. Waxa kale oo uu sheegay in ay tahay ka feejinaanta firqooyinka.

Manhajka Sharciga ah ee ahlu Sunnuhu wax u Daliishadaan

Waxaa markaas muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Manhajka Sharciga ah ee ahlu Sunnuhu wax u Daliishadaan” soo jeediyey Sh. Dr. Cabdirisaaq Takar, oo muxaadarada kusii xoojiyey in Ahlu Sunnah wal jamaaca waxa ay daliishadaan ay tahay Kitaabka Allah iyo Sunnada Nebiga SCW ee saxiixa ah.

Maandooriyaha iyo Dhibkuu u gaysto Bulshada iyo Dhaqaalaha

Sheikh Axmednuur Macalim ayaa soo jeediyey muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Maandooriyaha iyo Dhibkuu u gaysto Bulshada iyo Dhaqaalaha”, waxana uu ku xeel dheeraaday dhibaatada ay leedahay maan dooriyaha, dhibaatadaas oo soo gaarta qofka isticmaala ayadoo aan noloshiisu deganayn. Waxana uu xusay dhibka weyn ee dhaqan-dhaqaale iyo caafimaad darro ee ay geystaan maandooriyaasha, kuwaas oo xaaraam ku ah diinta Islaamka. Waxana uu ka digey daroogada oo waxa keliya oo laga helo ay taahy khasaare iyo qoomamo. Waxaa kale oo daroogdu ay sabab u noqotaa dhibaato weyn oo uu ku keenayo qoyska.

Ku Xadgudbidda Diinta Islaamka

Kaddib waxaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Ku Xagudubidda Diinta Islaamka” waxaa soo jeediyey Sheikh CabdullaahiNur (Abulfadli), waxana uu Muslimiinta ku booriyey in ay ilaaliyaan xuduudda Allah oo aan la xad gudbin, oo aan laga leexan dariiqa xaqa ah. Waxana uu si weyn uga digey xadgudubka oo lagu talax tago, gaar ahaan xad gudubka lagula kaco Diinta Islaamka. “Waa in aan laga leexan manhajka saxiixa ah ee Nebi Muxammed CSW”.

Xaaladda Soomaaliya

Salaaddii casar kaddib waxaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Xaaladda Soomaaliya” soo jeediyey Sheikh Maxamed Idiris, asagoo ku xeel dheeraday sida ay umadi xal ku gaari karto inay tahay ayaga dhexdooda in aysan is khilaafin oo kala tegin, isla markaasna waa in la xalliyo wixii hore u dhacay si meel loo saaro xad gudubyadii hore, taas asagoo xoojinayey waxa uu yiri wixii hore u dhacay oo aan meel la saarin in xal la gaaro waa adag tahay.

Ummad waxay ku burburtaa marka ay dawladdu dadkeeda ku samayso dulmi, ama dadka dhexdooda ay is dulmiyaan. Waxana uu dadkii madasha isugu yimid xusuusiyey dulmigii weynaa ee loo geystey culimadii Soomaaliyeed ee lagu toogtey ayagoo ku taagan xaqa kaddib markii dawladii hore ay diidey aayado kamid ah quraanka ee ku saabsan dhaxalka, ayna culimadaasi ka dhiidhiyeen.. Dulmigaas shacabka Soomaaliyeed xilligaas ka ay dhiidhiyin, ayuu yiri.

Hagaagga Ummaddu Waa Hagaagga Akhlaaqdeeda

Salaaddii Makhrib kaddib waxaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Hagaagga Ummaddu Waa Hagaagga Akhlaaqdeeda” soo jeediyey Sheikh Maxamed Umal oo asagoo jooga Nairobi lagu soo xiriiriyey khadka Video-ga, waxana uu si xeel dheer uga hadlay in haddii ummad ay doonayso in ay hagaagto oo guulaysato, waxaa lagama maarmaan tahay in akhlaaqdeedu  hagaagto. Ummada jiritaankeedu waxay ku salaysan tahay hadba inta ay ka haysato akhlaaqda wanaagsan.

Waxana uu xusay in xadaaradaha iyo ilbaxnimooyinka adduunka soo maray waxa burburiyey ay tahay markii mujtamacyadii xadaaradahaas lahaa ay ku kaceen xumo faaftay.

Sheikh Ummal waxa uu Muslimiinta ku booriyey in ay dadka kula dhaqmaan dabeecad, asluub iyo dhaqan wanaagsan. Isla markaasna ay ka fogaadaan beenta iyo khiyaanada, hana ku dhicina hab dhaqan fool xun. Ku dadaala runta iyo caddaaladda. Waxana uu si gaar ah Soomaalida uga digey in aysan ku sifoobin kuwo had iyo jeer wax is daba maryeeya.

Maalintii saddexaad ee Mutamarka

Axad July 3, 2011 ayaa waxaa xarunta Minneapolis Convention Center ka sii socdey mutamarkii 11aad. Ugu horayn waxaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Gooni isu taagga fikradeed ee Dhallinyarada haysa” soo jeediyey Sh. Dr. Axmed H. Cabdiraxmaan oo lagu soo xiray khadka telefoonka.

Kaddib muxaadaro cinwaankeedu yahay “Dhexdhexaadnimada Islaamka iyo Kuhaboonaantiisa Xilikasta” waxaa soo jeediyey Sheikh Maxamed Idiris, oo ku xeel dheeraaday sida diinta Islaamku u tahay diin caddaalad ah oo dhexdhexaadnimadeeda qofkii raacaa uu liibaanayo.

Waxaa markaas barnaamij ku saabsan xanuunka loo yaqaan “Autism” oo uu soo jeediyey Mr. Cabdiwahaab Omar oo waalidka ku booriyey in haddii carruurtooda lagu arko “Autism” inta ay da’da yar yihiin in dhakhaatiir khaaska ah ay degdeg ula xiriiraan, waxana uu sheegay in xanuunkaasi uu halis ku yahay carruurta Soomaaliyeed.

Waxaa markaas kaddib muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Islaamku sida uu  u jideeyey Dhaqaalaha” waxaa soo jeediyey Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Cumar. Waxana uu si cilmi ah ug ahadlay dhaqaalaha uu Islaamku ogol yahay, asagoo ka digey ribada iyo in la iibiyo wax aan Allah raali ka ahayn ama xaaraam ah, asagoo muslimiinta ku booriyey in ay beec wanaagsan uu ganacsigoodu noqdo.

Quraan akhris kaddib waxaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Wanaagga Diinta Islaamka” akhriyey Sh. Dr. Waleed Idrees, oo kaga haday macaanka iyo xalaawada iyo wanaagga Diinta Allah raalida ka yahay ee Islaamka.

Kaddib waxaa muxaadaro ku saabsanayd “Khatarta Zinada” soo jeediyey Sh. Cabdirisaaq Xaashi, oo si aad u xooggan uga hadlay ciqaabta laga mutaysto macsida weyn ee Zinada. Waxa uu aad uga digey dembiga zinada oo ciqaab adduun iyo mid aakhiro laga mutaysto, mujtamac ahaan iyo qof ahaanba..

Kaddib salaaddii casar waxaa muxaadaroku saabsanayd “Booska Islaamku gaarsiiyey gabadha Muslimadda ah” soo jeediyey Sh. Maxamed Idiris oo aad uga hadlay maqaamka iyo meesha wanaagsan ee Islaamku gaarsiiyey gabdhaha Muslimiidka.

Muxaadaro dheer kaddib waxa uu ku soo gabagabeeyey waano uu u jeediyey dumarka Soomaaliyeed oo uu yiri “Af-ka Hooyo ee AfSoomaaliga waa in aad bartaan carruurtiina, marka ay carruurtiinu guryaha joogaan kula hadla AfSoomaali si ay u yeeshaan dhaqan la mid ah kan aad haysataan..” Waxa uu Sheikh Maxamed Idiris arrintaas si gaar ah ugula hadlayey Soomaalida qurbaha oo halis ugu jira in carruurtoodu ay dhumiyaan Afka iyo dhaqanka Soomaalida. Waxana uu hadalka ku adkeeyey “Afka hooyo weeye, ee lama dhehin Afka Abbe, sidaas daraadeed dumarka masuuliyad weyn ayaa ka saaran in ay carrruurtooda baraan Afka Soomaaliga ee hooyo.

Kaddib waxaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Aadaabta Khilaafka” soo jeediyey Sheikh Cabdullaahi Ibraahim, oo si xeel dheer uga hadlay sida loo qaabilo khilaafka iyo sida loo xalliyo. Waxana uu ugu horayn muslimiinta ku booriyey in aysan is khilaafin oo ay wadajir ahaadaan. Sheikh Dr. C/risaaq Takar ayaa markale soo jeediyey muxaadaro cinwaankeedu yahay “Waajibnimada in la qabsado caqiidada Ahlu Sunnah”.

Sheikh C/raxman iyo Abulfadli ayaa waxay soo jeediyey taariikh kooban ee Golaha Jamciyadda iimaamyada Woqooyiga Ameerika.

Gabagabadii mutamarka waxaa culimadii muxaadarooyinka jeediyey ay muslimiinta ugu duceeyey khayr farabadan. Waxaana markaas mutamarkii socdey 3-da maalmood uu kusoo gabagaboobey si habsami ah.