Muxaadaradii Sh Nuuh uu ka jeediyay Masaajidka Abubakar ee Minneapolis

Print

Asalamu Calaykum Waraxmah

Barbaarinta caruurta
muxaadaradii sheekh Nuuh

Sidoo kale waxaa muxaadardii meesha ka sii waday sheekh Nuuh oo isagana aad ugu hadlay tarbiyada caruurta inay tahay waajib laga maarmaan ah oo larabo waaridka in ay aad ugu dadaalaan, sidoo kale sheeku waxa ka hadlay dhaqan xumada ka jirta wadankan iyo sida ay caruurteenu khatar ugu sugan tahay waxaa kamid ah waxa loo yaqaan shiishada oo aad ugu faaftay dadka soomaaliyeed horeyna loogu aqoon.
hadaba sheekhu waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in laga rabo waaridku inay dabo galo caruurtooda muhuumna ay tahay ogaadaana xaaldooda khaaska ah iyo saaxiibada ay leeyihiin

Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo maanta khudbada kusoo qaatay been abuur lafaafiyey iyadoo wajiyo badan oo kale gadisan la adeegsanayo, muslimiintana uga digay inay iska ilaaliyaan dadka ugu soo gabanaya siyaalaha kala duwan. Culimmada Masaajidka Abubakar ayaa aad u radiyey, been la abuuray Asbuucaan oo kusaab sanayd shan qof oo San Diego ku xiran in lakala saaray, oo gabadh dadkaas ka mid ahayd laga reebay liiska caawinta oo dadkaas lagu caawinayey sidii Qareeno udooda loogu qaban lahaa. Sh. C/raxmaan ayaa aad u faah faahiyey safaro badan oo uu ku tagay gobolo kamida Maraykanka oo kusaabsan sidii shantaas qof oo gabdhu ku jirto loo saacidi lahaa. Sh. C/raxmaan ayaa ka diggay qol (tellaconference-ah) oo kamid ah meelaha gabdhaha wax looga duubay iyo website-ka beenta faafiya, Sheekha ayaa ku tilmaamay galidoodu inaysan banaanayn.

Hadalka Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo faah faahsan dhagayso

Sidoo kale waxaa khudbada tacliiqiyey Sh. C/risaaq Xaashi oo kamid culimmada Masaajidka Abubakar, kana mid ah Culimmadii ku howlanayd dadkan xiran sidii loo saacidi lahaa. Shiikha ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey sida Culimmada iyo Maraakista Majliska hoos yimaada ugu guradeen dadkaas xiran iyo dowrkay ka qaateen. iyo in ay tahay been abuur dadka culimmada magac xumaynaya oo waxaan jirin samaynaya. Ugu danbayntii labada Shiikh ayaa u duceeyey dadka xiran iyo kuwa maxkamadaha ku socdaan oo dhan.

Hadalka Sh. C/risaaq Xaashi oo faah faahsan dhagayso

Culimamada ayaa dadka ugu dar daarmay inaysan samayn wax dhib kasoo gaarayo ama sharci daro ku ah wadankan, taas oo lagala kulmayo dhibaato aad u culus. Sida in lagu soo eedeeyo dumar iyo dhalinyaro tellaphone ama shilimaad yar inay direen, kadibna xabsiyo dhaadheer loogu jaro.

Banaysiga Danbiyada waawayn wuxuu keenayaa gaalnimo-Sh. C/risaaq Xaashi

Sidoo kale dhagayso Sh. C/risaaq xaashi oo Jimcadii hore aad ugu dheeraaday inay jiraan dad ayagoo sheegaya inay diin ka tahay samaynaya bayn abuur tiro badan, gaar ahaan culimmada iyo Masaajida ku been abuuranaya. Sheekha ayaa tusaale usoo qaatay inay jiraan dad caadaystay inay ku been abuurtaan masaajidkan Abuubakar, iyagoo u tiirinaya arimo masaajidku uusan samayn, ama ka dhicin. Sheekhayaa sheegay inay arintaas tahay diin la’aan sida ilaahay quraan kiisa ku sheegay. Khudbada Sheekha oo dhamaystiran dhagayso.

Khudbadii Jimcada ee October 7, 2011 (Sh. C/risaaq Xaashi) – Hoos ka dhegeyso

Hadaladaan kore waxaa looga goleeyahay in Muslimiinta Maraakizta iyo Culimmada ku xiran loo cadeeyo wixii jira, lagana ilaaliyo quluubtooda in la shaki galiyo iyo in Culimmadadoodu ugu nasteexeeyaan dantooda aakhiro iyo Aduun.

Waxaa isku soo dubariday

Maamulaha Masaajidka Abuubarkar

As-Saddique Islamic Center

Xasan Dhooye