| Heshiiskii la Wareegidda Dhulka Masjidka |
|
|
|
| Written by Administrator |
| Tuesday, 13 April 2010 16:14 |
|
Maanta oo Jimce ah, July 29, 2005, ayaa masjidka Abuubakar ee magaalada Minneapolis uu si rasmi ah ula soo wareegey dhulkii mudada dheer masjidka loo raadinayey. Heshiiska la kala wareegida xarunta waxa uu dhacay kaddib markii maamulka masjidku ay halkaas ku bixiyeen lacag dhan 1,580,000 (waxaana mulkiilayaashu hore damaanad ugu haysteen 20,000) sidaasna ay hadda ku hayataan 1,600,000. (Waxaa dhiman 100,000 - wararka u gu dambeeyey ee masjidku waxay shaaca ka qaadeen in ilaa hadda la helay 1,650,000, sidaasna ay ku dhiman tahay 50,000 oo keliya.) Xafladda lasoo wareegida dhulka iyo dhismaha waxaa goob joog ka ahaa: 1-Charlie & Arlene Gumingo (mulkiilayaashii dhulka) Maamulka Masjidka Abuubakar oo arinta la soo wareegida qoraal rasmi ah ka soo saaray ayaa yiri sidan:
"Mahad dhamaanteed waxaa leh Illaahay, Nabi Muxamedna Nabadgalyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaato." "Maanta oo ah maalin guul wayn noo soo hoyatay waxaan ugu bishaaraynaynaa dhamaan umada islaamka ah gaar ahaana Soomaalida in aan lasoo wareegnay maanta oo taariikhdu tahay 7/29/05 Xaruntii Abubakar As-Saddique Islamic Center oo ku kacday gadashadeedu $1,700,000.00."
"Xarunta Abubakar Waxaa ka qayb qaatay gadashadeeda jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Minnesota iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Maraykanka, sidoo kale waxaa ka qayb qaatay Muslimiinta kale eek u nool Waqooyiga Maraykanka." "Waxaan umahad celinaynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay Hirgalinta Xarunta Abubakar As-Saddique Islamic Center (Jizaahumulaahu Khayr)." Source: SomaliTalk (Minneapolis):
|
| Last Updated on Tuesday, 13 April 2010 16:43 |








