Open/Close Menu Abubakar As-Saddique Islamic Center

Ogaysiis Muhiim ah Ciidu waa Axada soo socota: Masaajidka Abuubakar Wuxuu dhamaan Muslimiinta dagan Minnesota iyo aga gaarkeeda  Ogaysiinayaa in  Ciida bisha Dul-Hijja ay ku beegantahay Axad November 6, 2011 oo ah maalin axad ah. Waxaa lagu tukan doonaa Minneapolis Convention Center sidii caadada inoo ahayd.  Ogaysiiska Ciida oo faah faahsan dib ayaan idiinla soo socod siindoonaa …

Ogaysiis Muhiim ah Ciidu waa Axada soo socota: Masaajidka Abuubakar Wuxuu dhamaan Muslimiinta dagan Minnesota iyo aga gaarkeeda  Ogaysiinayaa in  Ciida bisha Dul-Hijja ay ku beegantahay Axad November 6, 2011 oo ah maalin axad ah. Waxaa lagu tukan doonaa Minneapolis Convention Center sidii caadada inoo ahayd. Ogaysiiska Ciida oo faah faahsan dib ayaan idiinla soo socod siindoonaa….

Khayrka kasoo qayb gal oo Imaankaaga siyaadi. Muxaaddaraad dhicidoona Asbuuca soo socda Waxaa la ogaysiinayaa Dhamaan Muslimiinta reer Minnesota iyo nawaaxigooda in asbuuca soo socda  Masjid Abubakar As-Saddique Islamic Center iyo  Minnesota  uu marti uyahay  Sh. Maxamed Idris Axmed.  Sh. Maxamed ayaa bixin doona muddada kooban ee uu nasoo booqday khudbo jimce iyo Muxaadaraad kala…

Sh. C/raxman Sh. Cumar ayaa khudbadii Jimcaha October 14, 2011 Masaajidka Abuubakar As-Saddique Islamic Center uga hadlay “Xurmadda Dhiiga Muslimiintu uu leeyahay. Sh. C/raxmaan ayaa arintaas aad ugu dheeraaday, soona sardiyey Daliilo baddan oo isugu jira Ayaad Qur’aan ah, Axaadiis iyo hadalo kasugnaaday Salafkii Saalixa ahaa. Sh. ayaa cadeeyey inaysan meela diinta cadayn looga helayn…

Sh. C/risaaq ayaa October 7, 2011 kahadlay dunuubta hadii la xalaashado keeni kara diin ka baxa, khudbadda ayaa Sheekhu kaga hadlay dunuub badan oo hadii qofku banaysto diintiisa khatar ku keeni karta, sida; Sinada, Ribada, khamriga, beenta iyo banaysiga Dhiiga, iwm. Sheekha ayaa aad ugu dheeraaday inay jiraan dad ayagoo sheegaya inay diin ka tahay…

Ilaahay ayaa Mahad iska leh Nabigiisana Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaato Ciidul Fitr-ga sanadkan 1432H ayaa si wanaagsan kusoo gabagabowday illaahay fadligii, waxaa lagu ciiday sidii caadadda ahaan jirtay Minneapolis Convention Center oo ah meesha ugu wayn oo shirarka lagu qabsado gobolada la isku yiraahdo Midwest-ga. Waxaa la dareemayaa sanadba sanadka ka danbeeya…

Taqabalalaahu minaa wa minkum Saalixal Acmaal, Ciid Mubaarak, Ciid wanaagsan. Xarunta Abubakar As-Saddique Islamic Center Culimmadeeda iyo Maamulkeeda waxay muslimiinta u dirayaan hambalyada Ciidul Fitriga sanadka 1432 ee Hijradii Nabiga kadib. Waxaan idin leenahay ku ciida farxad iyo ammaan meelaad joogtaanba. Waxaan illaahay uga mahad celinaynaa inuu noo sahlay gudashada waajibka Soonka iyo cibaadadii laxiriirtay….

Warbixin kusaabsan Xarunta Abubakar Minneapolis iyo habeenka 27-aad ee Rammadaan Ilaahay ayaa Mahad leh Nabigiisana korkiisa Naxariis ha ahaato. Masaajidka Abubakar As-Saddique oo ah Masaajidka labaad ee ugu wayn Maraykankaa sida cilmi baaris lagu wado Xarumaha Islaamiga ah oo ku yaar Maraykanka oo soo bixi doonta dhowaan ay hor dhac ahaan u tibaaxday, si wanaagsan…

VIDEO CUSUB: Ilaahay Mahadi ha ka gaadho, waxaa farxad u ah Xarunta Abubakar As-Saddique ee Minneapolis, inay idiin soo gudbiso ogaysiiskii koowaad ee mu’tamarkii sanadlaha ahaa, kiisii 11-aad. ….. Hoos ka daawo…

Abubakar As-Saddique Islamic Center & North American Council of Somali Imams Present 11th Annual Convention شمولية المنهج الإسلامي Dhamaystirnaanta Manhajka Islaamka The Universality of Islamic Methodology Ilaahay Mahadi ha ka gaadho, waxaa farxad u ah Xarunta Abubakar As-Saddique ee Minneapolis, inay idiin soo gudbiso ogaysiiskii koowaad ee mu’tamarkii sanadlaha ahaa, kiisii 11-aad.  Mu’tamarka sanadkan cinwaankiisa…

Follow us: